Booliska Kenya oo Xiray Rag Weeraro Qorshaynayay Maalmaha Ciida

Booliiska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xiay afar qof oo looga shakiyay in ay katirsan yihiin Xarakada Al shabaab kuwaa oo qorsheynay in ay weeraro ka fuliyaan inta lagu guda jiro dabaal daga ciida.

Afarta  qof ee ciidamada Mombasa ay xireen waxaa kamid ah  Yahye Salim Bakar oo macalin ka ahaa masjid ku yaala tuulada Kikambala Iyo Abdullahi Ramadan iyagoo tilmaamay shaqsi shanaad oo lagu magacaabo Mohamed Anguzo in uu baxsaday balse laqabtay waloow ay xuseen in uu jiro shaqsi aan la aqoonsan oo kabaxsaday howlgalada ay wadeen ciidamada Kenya ee gaarka u ah waxa loogu yeero argagixisada.

Sarkaal katirsan ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in raggan oo da’dooda lagu qiyaasay 16-17 jir in ay tabar u qaateen si xarakada al shabaab ay ugu biiraan, waxaana sarkaalkan uu sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamada Kenya ee ka howlgala soomaaliya ay helaan xog ku saaabsan raggan weerarka ka fulin raba maagalaada Mombasa isagoo tilmaamay in durbadiiba ay bilaabeen howlgalo ragaasi lagu soo qabanayo sida uu ugu waramay wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in 80 qof lagu xir xiray kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada Kenya ee loogu talagay ka hor tagista waxa loogu yeero argagixisada waxaana kujira dadkaasi gacanta lagu dhigay 15 ajaanib ah oo lagu tuhmayo in ay ku dhaqmayeen falal xagjirnimo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*