Beyer Munich oo Xaqiijiyay Dhaawaca Arjen Robben

Kooxda Beyer Munich ayaa xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray xidigaeeda garabka ka ciyaara ee Arjen Robben kaasi oo garoomada ka maqnaan doono muddo lix Todobaad ah kadib dhaawac soo gaaray kulankii ay shalay ka guuleysteen kooxda Lippstadt, kulamada isdiyaarinta.

Macalinka Cusub ee kooxda Beyer Munich Carlo Ancelotti oo kulankiisa ugu horeeyay hogaamiyay kooxdiisa Cusub   ayaa xaqiijiyay dhaawaca xidiga reer Holland ee Arjen Robben.

Arjen Robben ayaa 15-kulan kasoo muuqday kooxda dalka Germany xili ciyaareedkii soo dhamaaday ee 2015/2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*