Bajaajle Lagu Dilay Muqdisho, Mid Kamid ahaa Ragii ka Dambeeyay oo La Qabtay

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Isgoyska Ex-control Afgooye ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo ka xeynayay Mooto Bajaaj.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in kooxo hubeysnaa ay darawalka mooto bajaajka ay ka qaateen Taleefoon uu watay markii hore, balse markii dambe ayay toogteen kadib markii uu kasoo daba cararay oo uu ku qeyliyay telefoonekayga isiiya.

Ciidamadda amaanka ee ka howlgala Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qabteen mid kamid ahaa ragii dilka geystay,sidoo kalana lagu raadjoogo kuwa kale.

Dhanka kale Eheladda marxuumka la dilay ayaa dalbaday in lasoo qabto ragii dilay wiilkooda,cadaaladana la horgeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.