Baarlamanka Puntland oo Shaaciyay Xiliga Doorashada Madaxwaynaha iyo Ku-xigeenkiisa

Golaha Wakiiladda Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta meel mariyay waqtiga ay dhacayso doorashadda Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Maamulka Puntland.

Golaha oo maanta kulan ku yeeshay Magaaladda Garoowe waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in 8 January 2019 la qabanayo doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Maamulka puntland, halka 31 September ee 2018 la kala dirayo Xildhibaanada.

Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland sidoo kale waxay muddo xileedkii u kordhiyeen guddiga doorashooyin kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo shaqadoodu tahay doorashooyinka Dowladdaha Hoose.

Doorashadda Madaxtinimadda Puntland waxaa sanadkaan u taagan musharixiin dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid(Juxa).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*