Baarlamaanka Soomaliya oo Ka Doodaya Dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fderaalka Soomaliya ayaa haatan ka doodaya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Kulanka maanta waxaa shir Gudoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxana soo xaadirtay Illaa 157 Xildhibaan, kuwaasi oo magacyadooda ku qoray buugga diiwaanka Xildhibaanada.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeerayo.

Kulanka waxaa fadhiya inta badan Xildhibaanada kasoo horjeeda go’aankii Dowladda Soomaliya ay ku dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF kaasi oo ku sugnaa Magaaladda Muqdisho sanadihii dambe.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka.

Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay isla maanta  illaa 15 Hindise sharciyeed oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa laga hormaray ajandaha ka doodista arrinta Qalbi Dhagax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*