Baarlamaanka Soomaliya oo Ka Dooday Arinta Qalbi Dhagax iyo Guddi Loo Xil Saaray

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta Dood ka yeeshay Go’aankii Xukuumadda Federaalka Soomaliya ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Dowladda Ethopaia.

Xildhibaanada ayaa dooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirey xildhibaano kale oo taageersanaa  Go’aanka Dowladda Soomaliya iyo Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya  gaareen 6-dii bishan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dhanka kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, islamarkaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*