Baarlamaanka Galmudug oo Dalbaday in La Horkeeno Heshiiskii Jabuuti+Dhageyso

Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo shalay kulan ku yeeshay magaaladda Cadaado ayaa dalbaday in la horkeeno heshiiskii ay wada gaareen Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug.

Xildhibaan Sadiiq Maxamed Gurxan oo hadal ka jeediyay kulankii shalay ayaa ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka Galmudug in Xukuumadda ay u sheegaan in Xildhibaanadda ay horkeento heshiiskiii Jabuuti ay kuwada gaareen Ahlusuna iyo Galmudug.

“Xukuumadda Galmudug waxaan ugu fadhinaa in Baarlamaanka ay horkeento heshiiska 14-ka qodob ka koobnaa ee wada gaareen Galmudug iyo Ahlusuna ka hor wax soconayo malahan”, ayuu yiri Xildhibaan Sadiiqa Maxamed Gurxan.

Dhanka kale waxaa wali jira khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee maamul Goboleedka Galmudug oo laba garab u kala jabay Xiligaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*