Axmed Madoobe oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ilaalada Madaxtooyada Kismaayo

Amar kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtoyada maamulka Jubbaland iyadoona loo magacaabay Taliye cusub.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa waxa uu xilkaasi hayay mudo koobay isaga oona qaabilsanaa dhanka hawlgalla madaxtooyada.

Xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Taliye cusub oo magaciisa lagu sheegay Sahal Black waxaana uu u talin doona dhammaan ciidanka ku sugan gudaha madaxtoyada ee ku hawllan xaqiijinta ammaanka.

Taliyaha Cusub ayaa waxa ay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe, lamana yaqaan sababta keentay in hadda xilka laga qaado taliyaha ciidanka madaxtoyada Kismaayo xilli aysan wax ammaanka lidi ku ah ka dhicin madaxtooyada Kismaayo.

Xil ka qaadistiisa ayaa kusoo aaday xili maalintii shalay Kismaayo uu ka dhacay Qarax ay ku dhamaaden tiro dad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*