Axmed Madoobe oo Sheegay in Cabsida Al-shabaab ay Keentay in Diyaarado Lagu Safro+Dhageyso

Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in cabsida Al-shabaab dadka ay ku beereen ay keentay in diyaarado lagu safro.

Isagoo hadal ka jeedinayay shirkii amniga qaranka ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda muqdisho ayuu sheegay in shabaab ay cabsi weyn ay ku beereen shacabka Soomaliyeed,islamrkaana aan kalsooni lagu qabin in lagu safro dhulka.

“Markaan aheyn maxaakimta Islaaamiga waxaa nala dagaalamay hal Dowladd, maanta shacabka Soomaliyeed  cabsi ay ka qabaan shabaab waxay ku safraan diyaarad si ay u gaaraan goboladda dalka Soomaliya,beesha caalamka waxaa looga baahan yahay in AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalana Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa looga bahan yahay in ay ku Xisaabtamaan in Ajinabi uuna Soomaaliya waligii joogaynin ee ay dhisaan Ciidamada Qaranka”, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxeynaha maamulka Jubba-land Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Soomaliya in ay la yimaadaan isbadal si guul loogu gaaro dagaalka Al-shabaab, islamarkaana shacabka ay si nabad ah ugu safraan Goboladda dalka Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*