Author Archives: cadnaan kapul

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u Diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, iyo midnimada shacabka. “Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal ...

Read More »

Dowladaha Jarmalka Iyo Jabuuti oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Soomaaaliya (Sawirro)

Sarreeye guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo muddo seddex bilood ah dalkaan tababar ku qaatay. General Kediye oo ku hadlayey Magaca Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ...

Read More »

Ninkii Hogaaminayay Afduubka Haweeneyda u Dhalatay Jarmalka oo La Qabtay Iyo Hay’adda ICRC Oo Shaqaalaheeda Ajaanibta kala Baxday Soomaaliya (Dhageyso)

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan halka lala aaday Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo ciidamo ilaala u ahaa ay ka afduubteen xarun Hay’adda ay ku laheyd gudaha gobalka Banaadir. Laamaha amniga Soomaaliya ayaa wali baadi goobaya Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo la la yahay halka jaan iyo cirib ay la aadeen qaar katirsanaa ilaalada Hay’adda ICRC oo xalay ...

Read More »

Dhalinyaro Maanta u Fariisan Rabay Imtixaanka Dugsiga Sare oo Ku Geeriyooday Mudug !!

Wararka Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso waqooyiga Mudug ayaa ku warama in halkaasi ay ku dhufteen daadad xoogan oo khasaare nafeed u geystay dadka deegaanka. Roobab xoogan oo Daadad wata ayaa ku dhuftay deegaanka heemo ee waqooyiga mudug, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen laba wiil oo dhalin-yaro ahaa, kuwaa oo biyaha daadadka ay horay usii qaateen. Warar ...

Read More »

Michael Keating Muxuu ku Sifeeyay Wariyaasha Soomaaliya Geesiyaal Mise Fulayaal.?

Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka  suxufiyiinta dalka. “Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab ...

Read More »

Dowladda Kenya Oo War Ka Soo Saartay Kooxo Ajaanib Ah oo Dhibaato ku Haya Soomaaliya

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka si uu gacan uga geysto dib u soo celinta xasiloonida dalalka deriska ah sida Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa go’aan ku gaaray inuu xoojin doono awoodda Ciidanka nabad galyada si loo ilaaliyo ammaanka,isagoona xusay in nabad la’aan aysan jirin nolol,sidaasi daraateedna ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya iyo ...

Read More »

Ogow Meelaha Lagu Bixin Doono 180 Milyan Yuuro Oo Midawga Yurub Siinayo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda. Mudane Kheyre Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ...

Read More »

Yaa Ka Danbeeyay Afduub Muqdisho Loogu Geystay Haweeney u Dhalatay Jarmalka (Dhageyso)

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo aheyd Kalkaaliso caafimaad ayaa xalay waxaa laga dhex afduubta xarunta Hay’adda ICRC ee Laami yaraha Zoobe Magaalada Muqdisho. Afduubka Haweeneydan Loo Geestay ayaa La sheegay in ay Kaalin ka Qaateen ilaalada Haweeneyda u dhalatay Dalka Jarmalka Oo Kooxa Hubeysan ay Ka Afduubteen xarunta Hay`addaKu taall Muqdisho. Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka kana mid aheed ...

Read More »