Author Archives: cadnaan kapul

Akhriso:- Magacyada Gudiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Lagu Dhawaaqay

Guddoomiyaha Baarlamanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheeikh-Unaa Maye ayaa Goordhow ku dhawaaqey Guddigga Doorashooyinka oo qaban qaabinaya Doorashada Madaxtinimo ee mamaulkaas. Kulanka Baarlamanka oo hadda ka socda Baydhabo ayaa waxaa ku sugan inta badan xildhibaanada maamulkaas. Guddiga la magacaabey ayaa ka kooban 15 xildhibaan kuwaas oo qaban qaabinaya doorashada. Shariif Sheeikh Unaa Maye ayaa sheegay in xildhibaanadda ay ansixiyeen gudiga ...

Read More »

Xubno Ka Tirsanaa Shabaab oo Isku Dhiibay Jubbaland+Magacyo

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka jubbaland ayaa sheegay in labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab in ay isku soo dhiibeen dhankooda. Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in labada xubnood oo ka tirsanaa shabaab in ay isku dhiibeen maamulka jubbaland ee Afmadow,kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka shabaab. “Colaad Faarax Xasan iyo Nuur Cabdi Xasan oo kamid ...

Read More »

Indha Qarshe oo shaaciyay Xiliga Shabaab Dalka Laga Saarayo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa booqday jiida hore ee  dagaalka ay ciidamada Xoogga Dalka ay kaga sugan yihiin degaanada Buulo Gaduud iyo Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. General Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa mid mid waxa uu u kormeeray dhamaan dhufeesyada Ciidamada Xoogga Dalka isagoona ...

Read More »

Ciidamada Amaanka Kenya Oo Heegan La Galiyay Sidee Wax U Jiraan Akhriso

Kenya ayaa heegan buuxa galisay talisyada kale duwan ee Ciidamada, iyadoo maalinta bari ah loo dabaal dagayo maalinta geesiyada ee Mashuja Day. Bari ayey ku beegan tahay maalinta geesiyada ama dadkii kenya uga geeriyooday xornima u dirirkeeda waqtigeedii gumeytaha, waxaa lagu qaban doonaa xafladaasi garoonka kubada cagta Bukhungu ee ku yaal magaalada Kakamega ee Kenya. Xaflada waxaa kasoo qeyb galaya ...

Read More »

Wasiir Goodax oo Sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeyb-galay maanta ayaa ...

Read More »

Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Gn. Indhaqarshe Iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa Maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. hogaamiyaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamul Jubbaland. Gen: Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo ...

Read More »

Meeqo Ayey Gaarayaan Xoola Dhaqato Lagu Dilay Duqeymo ka Dhacay Deegaanka Buula Xaaji

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buula Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo. Mid kamid ah dadka deegaanka Buula Xaaji oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta lagu waxyeeleeyay dad shacab ah oo xoolo dhaqato iska ahaa. Goobjoogaha ayaa sido kale sheegay 3 Ruux oo xoolo dhaqato ahaa ...

Read More »

Dumar Faraxsanaa Oo Farxadii Murugo Dhimasho Iyo Dhaawac Loogu Badalay Magaalada Muqdisho +Sawirro

Wararka  aynu ka heleyno degmada Hiliwaa ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda ay rasaaas dhimasha iyo dhaawac geysatay ku fureen dad shacab ah oo marayay Xaafada Waxar Cade ee Magaalada Muqdisho. Goobjooge ayaa Simba u sheegay in ciidamo katirsan dowladda ay rasaaseeyeen haween saarnaa gadiid galbinayay Aroos oo Marayay inta u dhaxeysa wadada isku Xirta Isbitaalka Soos iyo Xaafada Waxar ...

Read More »

DEG DEG: Qarax Goordhaw Ka Dhacay MagaaladaMuqdisho

Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday Bamgacmeed oo goordhaw lagu weeraray wado dhismo uu ka socday oo ku taal Busteejada gadiidka kismaayo laga raaco ama agagaarka Masjidka Daawada Suuqa Bakaaraha ee Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay jawiga goobta inuu yahay mid kacsan oo ay joogaan ciidamo kala duwan oo katirsan ...

Read More »