Author Archives: cadnaan kapul

DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo In Ka Badan 5 Ruux Oo Lagu Toogtay

Faaah faahino hor dhac ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo marayay gudaha degmada hiliwaa ee Magaalada Muqdisho. Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in kolonyo katirsan AMISOM oo marayay gudaha Suuqa Xoolaha degmada hiliwaa qarax xoogan lala eegtay, qaraxa kadib ayuu goobjoogaha inuu xaqiijiyay in ciidanka AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo ...

Read More »

Deg Deg: Askari Dad Shacab Ah Ku Rasaaseeyay Baladweyne

War goordhaw soo gaaray warqabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka maamulka Hirshabeelle uu rasaaseeyay qof shacab ah oo ku sugnaa gudaha Magaalada Baladweyne. Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in askari katirsan ciidanka maamulka Baladweyne uu rasaas huwiyay nin watay gaari dameer oo ku socdaalayay gudaha magaaladaasi. Ninka watay gaari dameerka ayaa la sheegay inuu marayay ...

Read More »

Wararkii Ugu Danbeeyay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Saciid Cawaare. Nabadoon Maxamed Saciid Cawaare ayaa la sheegay in kooxdaasi ay ku dileen meel aan sidaa kaga fogeyn hoygiisa oo ku yaaal gudaha magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Gobalka Bari. Sarkaal katirsan waaxda danbi baarista ...

Read More »

Abaal Marin Lagu Bixinayo Cidii Gacanta Ku Soo Dhigta Rag Kufsaday Maamo 85 Jir Ah + Dhageyso

Madaxweyne ku xigeenka maamul Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlayay warbaahinta ayaa laamaha amniga mamulka waxuu amray iney gacanta kusoo dhigaan ragii ka danbeeyay haweeneey 85 ah oo lagu kufsaday xero barakacayaasha ay ku leeyihiin gudaha Jowhar. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ciidamada daraawiishta maamulkaasi u balan qaaday abaal marino inuu gudoonsii doono cid alaala cidi soo sheegta ...

Read More »

Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaasha Askarta Oo Kormeer Ku Sameeyey Qaar Kamid Ah Xeryaha Ciidanka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliyeed Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, xoghayaha guddiga difaaca golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha ciidanka xoogga dalka oo dib u dhis lagu sameyn doono. Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa deegaanka Carbiska kula hadlay askar ka tirsan qeybta 12-ka April oo ...

Read More »

Kalfadhigiii 3-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xirmay Iyo Waqtiga Uu Furmayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-ka bishan luulyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada laso saaray. Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa fray Kalfadhigan 3-aad ee ...

Read More »

Taliye C/rashiid Yuusuf Oo Eedeyn Kala Dul Dhacay Somaaliland + Dhageyso

War kasoo baxay Somaliland oo warbaahinta uu u aqriyay dhawaan wasiirka Tamarta ayaa lagu eedeeyay maamulka Puntland in uu ka danbeeyay dilka Taliyihi degmada Taleex Soomaaliland. Ciidamo katirsan daraawiishta Puntland ayaa lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen dilka taliyihii degmada Taleex ugu magacaawnaa Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee  Soomaaliland, taliyaasi oo la sheegay inuu marayay barkoontarool oo ku taal gudah ...

Read More »

Sawirro: Madaxweyanaha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Carta Ee Dalka Jabuuti + ”Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda ...

Read More »