Askari Ka Tirsanaa AMISOM oo Lagu Dilay Magalaadda Muqdisho!!

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM Lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa miino la dhex galiyay Geedo ku yaallo Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa la qarxiyay, xilli Ciidamada Amisom ay marayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha,kuwaasi oo markii hore dhaawac culus oo soo gaaray.

Dhanka kale Ciidamada Amisom ayaa dili rabay dadka shacabka ah ee ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay, balse waxaa meesha durbadiiba tagay Ciidamada Booliska Somaliya ee Suuqa Xoolaha ku sugan.

Mas’uuliyadda qaraxa waxaa shegtay Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab sida warbaahintooda ku baahiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*