Askari Ilaalo u ah Abaanduulaha CXDS oo Qof Shacab ah Dilay

Askari ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa maanta isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho waxa uu ku dilay nin shacab ahaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Daahir Dhadeey.

lama xaqiijin sababta ka dambeysay in askariga uu dilo marxuumka, waxaana askariga dilka geystay uu ka tirsan yahay sida la xaqiijiyay ilaalada Abaanduulaha Xoogga dalka S/Guuto Cali Baashi Maxamed.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somaliya ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay waxaa sidoo la xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*