Askari Al-shabaab Kasoo Goystay oo Dil Farsamaysan Ka Geystay Magaaladda Balad-xawo

Waxaa gudaha magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo maanta dil loogu geystay askari katirsanaa ilaalada Xarunta Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee degmadaasi.

Askariga dilka loo geystay ayaa waxaa ka danbeeyay dilkiisa askari kale oo horey uga tirsanaa Xarakada Al-shabaab, balse laba isbuuc ka hor isku soo dhiibay ciidamo ku sugan degmada Dooloow, kuwaasi oo markii danbe u wareejiyay xarunta ciidamada Juballand ay ku leeyihiin magaalada Baladxaawo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilkaasi u dhacay, wararka qaar ayaa sheegaya in askariga hore uga tirsanaa Al-shabaab uu ku qanciyay ciidamada kale isaga iyo askari kale oo katirsanaa ilaalada Xarunta Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay ku leedahay gedo, iney aadayaan magaalada gudaheeda, markii ay baxeen ayaa la sheegay ciidamo kale oo Al-shabaab katirsan iney ugu balan sanayeen gudaha magaaladaasi, sidaasina lagu qaarajiyay askariga katirsanaaa ciidamada Juballand.

Askariga katirsan Al-shabaab ee hore si farsameysan ama dan ahaan ugu biiray ciidamada Juballand ayaa maanta fuliyay dantii uu ka lahaa ku biiritaanka ciidamada Juballand, maadaama uu dilay askari horayna ay u qaateen isaga iyo xoogaga kale ee Shabaab katirsan qari uu watay askariga ay ku dileen Balad-Xaawo.

Cali Yaquub oo katirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka gedo oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay inuu jiro dilkaasi maanta gudaha degmada Baladxaawo loogu geystay askari katirsanaa ciidanka  maamulka Juballand, dilkaasina ay ka danbeeyeen ciidamo katirsan Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in meydka askari la geeyay xarunta danbi barista degmada Baladxaawo ee gobalka gedo si loo baaro sababta rasmiga ee ka danbeysay dilkaasi.

Marar badan oo sidaan oo kale ah ayaa ciidamo katirsan Al-shabaab qaab farsameysan waxa ay iskugu soo dhiibeen maamul gobaleedyada dalka horay sidaan oo kale waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Gobolka Shabeellaha dhexe Cabduweli Ibraahim Junbur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*