Aqriso:-Ciidanka Dowladda Oo Dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wada degmda Awdheegle

Ciidanaka  Dowlada Fedaraalka ee Soomaliya ayaa Saakay waxay dhaq dhaqaaq  ciian ka wadaan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Shalay werar xogan ku  qadeyn rag ka tirsan Al-shabaab.

Kadib weerar xoogan uu ku bilawday  Qarax Ismiidaamin ah kaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo shalay ka dhacay degmada Awdheegle, ayaa waxaa saakay halkaaasi ka socda dhaq dhaqaaq ciidan oo  ay wadaan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa DANAB.

Taliyaha Ciidanka lugta Gen.Odawaa yuusuf Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ayaa sheegay in weerar ay ku qaadi doonaan deegano ay ku suganyihiin Al-shabaab oo ku yaala duleedka degmada Adheegle, waxyna Ciidamada Dowladda wadaan dhaq dhaqaaq xoogan.

Dadka shacabka ah ee ku sugan Awdheegle ayaa waxay muujinayaan cabsi ku aadan in markale uu dagaal ka dhaco degmada Awdheegle, oo ay shalay barqadii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku  qaadeyn weerar xoogan oo loo adeegsaday Gaadiid laga soo buxiyay waxyaabaha Qarxa , waxaana xigay dagaal toos ah oo socday ku dhawaad sadex saacadood.

Al-shabaab ayaa markale waxay isku dayayaan inay dib ula wareegan gacan ku heynta degmada Awdheegle, oo dhawaan dagaal looga saaray, waxayna maalmihii la soo dhaafay ciidamo ku soo daad gureenayen Gobolka Shabeellha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxay wacad ku mareyn in ay Al-shabaab ka saari doonan goobaha ay kaga suganyihiin  Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.