Aqalka Sare oo Qaadacay Ka Qeyb Galka Munaasadda Furitaanka Kalfadhiga 4-aad

Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadacay ka qeyb galka Munaasadda furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu inoo xaqiijiyay Sanator ka tirsan aqalka Sare, Xildhibaanada ayaa ka xumaaday habdhaqanka Guddiga loo xilsaaray isku dabaridka Xafladda furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo keenay Warqaddo Casuumaad ah loola dhaqmay sida dad marti ah, taasina ay aad kaga xumaaday,ayna go’aansadeen in aysan ka qeyb galeen furitaanka.

Dhanka kale Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Buux ayaa sheegay in furitaanka Golaha Shacabka aanu u baaqanaynin Ka qaybgalid la’aanta Golaha Aqalka Sare oo goordhow sheegay inay qaadaceen ka qayb-galka furitaanka kalfadhiga afaraad.

Cabdikariin ayaa sheegay in sida dastuurku qabo madaxwaynahu uu maanta rasmiyan furayo Kalfadhiga 4-aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*