Aqalka Sare oo Kulan Ka Yeelanaya Xeerka Shirkadda DP World Ka Mamnuucaya Dalka

Kalfadhiga Seddexaad Kulankiisa koowaad ee Xildhibaanadda Golaha aqalka Sare ee dalka ayaa maanta waxa uu ka dhaci doonaa Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah 1- Dhageysiga Warbixinta Gudoonka Aqalka sare 2- ka doosdista weerarkii guriga senator cabdi qeybdiid iyo 3- Heshiiskiisa DP World.

Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa shalay xeer kasoo saaray heshiiskii Dekadda berbera ee Maamulka Somali-land, Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta,iyo Dowladda Ethopia.

Baarlamaanka ayaa sharcidaro ku tilmaamay heshiiskaas, waxayna dalka ka mamnuuceen shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xeerkan ayaa markii uu soo maro Xubnaha Aqalka Sare,waxaa loo gudin doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo si uu u saxiixo,intaasi kadibna ay Shirkada DP World Wadanka isaga bixi doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*