Amisom Oo Ka Aar Goosatay Dad Shacab Ah Gudaha Muqdisho

Ciidamada howlgalka midowga Africa ee Amisom ayaa lagu eedeynayaa in ay weerar aar goosi ah ku dileen afar qof oo shacab ahaa gudaha Magaalada Muqdisho.

Afarta qof waxaa taladadii lagu dilay degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay hey’adaha xuquuqda aadanaha in ay arkayeen ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi oo xabado ku furaya afar nin oo aan hubeysneen oo ka shaaxeynayay Maqaaxi.

Ciidamada Burundi oo kasoo baxay Xerada Maslax ayaa qaraxyo lagula eegtay iyagoo maraya Ex-control Balcad oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Hey’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International aya cambaareysay dilka loo geystay muwadiniintan Somalida ah waxa ayna ugu baaqday baarayaasha in si wanagsan loo baaro dhacdadan lana doonayo in lasoo saaro askartii lahaa masuuliyadda xasuuqaasi.

“Dilalkan naxdinta leh ee askarta loo malaynayo  in ay ilaalinayaan dadka rayidka ah waa in ay si buuxda oo caddaalad ah u baaraan Amisom, si loola xisaabtamo kuwa masuulka ka ah,” sidaas waxa tiri Sarah Jackson, oo ah Agaasime ku-xigeenka Amnesty International ee Bariga Afrika.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay dhibaato tahay in ciidamadii loo soo tababaray inay qataraha iyo dhibaatoyinka ka ilaaliyaan shacabka ay iyagu dhibaateynayaan.

Meydka Afarta qof ee ay dileen ciidamada Burundi talaadadii ayaa la geeyey isbitaalada Banaadir ee magaalada muqdisho, waxaana la geliyey tallaagado barafeysan xilli ehaladooda ay sheegeen inan la aasi doonin inta caddaalad looga helayo dilkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*