AMISOM oo Gaari Jiirsiisay Askar iyo Qof Shacab ahaa Ceelaha Biyaha+Sawirro

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ay dad shacab ahaa gaari ku jiirsiiyeen deegaankaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,ciidamadda AMISOM ayaa mid kamid ahaa gaadiiidkooda dagaalka waxa uu dulmaray mooto ay saarnaayeen labada askari iyo darawalkii mootada oo shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay askartii iyo Darawalkii,waxayna daqiiqado yaaleen wadada Ceelasha Biyaha.

Meydadka askarta ayaa loo soo qaaday Magaaladda Muqdisho, waxaana la keenay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D halkaas oo Sawirro looga qaaday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.