AMISOM oo Balanqaad Ka Dhan Ah Shabaab u Sameysay Ciidamadda Dowladda

Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee (AMISOM) iyo ciidamada ammaanka Somalia ayaa wado qorshe lagu fulinayo howlgal wadajir ah oo Al Shabab looga saarayo deegaanada ay wali maamulaan.

Francisco Madeira oo ah madaxa ugu sareeyo howlgalka AMISOM ayaa sheegay inay muhiim u yihiin howlgalkooda jiilka cusub ee kamid ka ah ciidamada Somalia, waxa uuna intaas ku daray in waddanku wali u baahan yahay ciidamo tababaran oo lagu wareejiyo gacan ku heynta dhulka Al Shabab laga saaro.

Madeira ayaa intaas ku daray in wada shaqeyn xoogan ay ka dhaxeyso AMISOM iyo ciidamada qaranka Somalia si Al Shabab looga saaro magaalooyinka ay gacanta ku hayaan.

Awdheegle ayaa ah magaaladii afaraad oo ka tirsan gobolka Sh. Hoose ee Al Shabab laga saaro sanadkan, waxaana ka horeeyey magaalooyinka Sabiid, Bariire iyo Eel-Saliini.

Amisom ayaa dowladda Somalia ku amaantay jiilka cusub ee ciidamada ay kusoo dartay oo hadda gacanta ku hayo afarta magaalo ee laga saaray Al Shabab.

Madeira ayaa xusay in howlgalka wadajirka ah lagu ilaalinayo xarumaha dadweynaha laguna nadiifinayo waddooyinka muhiimka ah ee sahayda la marsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.