Alexis Sanchez  “Waxaan Leeyahay Tayada ay Leeyihiin Xidigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo”,

Xidiga kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa aaminsan in  uu leeyahay tayada ay xiligaan leeyihiin xidigaha dunida ku xifaaltama Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Alexis Sanchez ayaa kasoo garab ciyaaray weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi waayihiisa Garoonka Camp Nou ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Horyaalka dalka ingiriiska xili ciyaareedkii 2014-15.

Xidiga reer Chile ayaa haatan kamid ah xidigaha ugu saameynta badan naadiga ku ciyaarta Garoonka Emirates Stadium  30-Goal ayuu u dhaliyay 68-kulan uu kasoo muuqday tan iyo markii uu yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*