Al-shabaab oo Weerar Khasaare Dhaliyay Ka Fuliyay Magaaladda Gaarisa

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday deegaan ka Tirsan magaaladda Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Weel Mareer ee hoostaga magaalada Gaarisa oo ay saldhig ku leeyihin Ciidamadda Booliska dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka Shabaab ayaa burburiyay  xarunta shirkadda Safaricom ay ku laheyd duleedka magaalada Gaarisa, iyo Saldhigii Ciidamada Kenya ay degaanka ku lahayeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaank.

“Ciidamada Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Weel Mareer oo katirsan Magaaladda Gaarisa, saraakiisha Shabaab waxay noo xaqiijiyeen in la burburiyay xaruntii shirkadda isgaarsiinta Safaaricom” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo looga hadlaayo weerarka Xarakadda shabaab ay ka fuliyeen Magaaladda Gaariisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*