Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxi Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qarax gaari lagu raray oo ka dhacay Koontarool Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Warbaahinta Shabaab qoraal lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in qaraxa uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Shabaab,islamarkaana uu jiro khasaare.

Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay xili ay halkaas marayeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaano.

“Shaabab ayaa weerar isqarxin ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaaray cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo isugu jirey ciidamo iyo dad barakacayaal ah oo daganaa Dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka oo ku yaala Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.