Al shabaab Oo War Deg Deg Ah Kasoo Saartay Dilka Wasiiirkii Hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya  

Faah faahin ayaa wali laga helayaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidamada Dowladda Gen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo Abaanduulahii qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame Oo ku dhintay Qarax lagula eegtay deeganka Dhanaane.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo katirsanaa ciidamada dowladda

“Taliyihii qeybta 12-aad ee ciidanka Dowladda Cumar dheere iyo abaan duuliyihiisi iyo 8 askari ayaa ku dhintay qarax Ciidankeena kula beegsadeen duleedka deegaanka Jaziira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale Al shabaab ayaa sheegay saraakiishii ku dhintay qaraxii maanta inuu kamid ahaa abaan duulihii ciidamada dowladda ee deegaannada Xeebta Cabdi Cali jamaame Iyo Ciidamo gaariga la saarnaa.

Jeneraal Cumar dheere ayaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf kasoo noqday wasiirka wasaaradda G/dhigga intii u dhaxaysay sanadihi 2004 illaa 2005.

Wali wax war ah kama soo bixin Dowladda Iyo Talisa ciidamada Soomaaliya oo Qaraxa ku aadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*