Al-shabaab oo Soo Bandhigay Ciidamo Ka Goystay Dowladda Soomaaliya+Sawirro

Al-shabaab ayaa soo bandhigay 5-askari ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askartaan oo kasoo goostay dhanka Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay degmadda Ceel-buur Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

Askarta isdhiibtay oo hubkoodu u dhammaa ayaa sheegay ay dhibaatooyin kala kulmi jireen ciidamadda Dowladda Itoobiya ee ka howlgala Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan iska dhiibay Degmadda Ceelbuur waxaa taliye u ahaa Generaal Taree dishe waxayna ciidamada Itoobiya ugelbiyeen dhanka degmada Galcad ee isla gobolka Galguduud balse markii dambe ayay Itoobiyaanku isaga baxeen dhammaan degmooyinkii ay ka joogeen Bariga Galguduud.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Shabaab oo goobta  lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan askarta kasoo baxday Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.