Al-shabaab oo Sheegtay Qaraxyo Ka Dhacay Degmadda Jalalaqsi

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyo labo ahaa oo ka dhacay Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxayadda oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 1-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Jabuuti ayaa ku dhintay, halka 3-kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale qaraxyadda ayaa la sheegay in ay burburiyeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamadda Dowladda jabuuti.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhacay Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*