Al-shabaab oo Sheegtay Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan oo gaari ku xirnaa ayaa ku qarxay meel ku dhaw xarunta iskaashatooyinka oo ku taalla Degmada Xamar Weyne.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax lagu dhuftay gaari Cabdi Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiisha dowladda hoose ee gobolka Banaadir,islamarkaana bartilmaameedka qaraxa oo sidaas ahaa.

Dhanka kale Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in labo ruux loo qabtay,islamarkaana lagu baarayo Xarunta C.I.D.

Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo sheegtay in qaraxan uusan geysan wax khasaare ah.

“Abbare 7-dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taalla dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne, sidaanu xaqiijinay wax khasaare nafeed ama dhaawac ma jiraan, waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof oo lagu tuhmaayo in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay”. ayay tiri Gen. Zakiya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.