Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Gudoomiye C/rashiid Cismaan Carab.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qarax lagu Dilay Mas’uul ka Tirsanaa Maamul Goboleedka Hir-shabeelle.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qarax miino oo dhulka lagu aasay lala helay Gaari uu la socday Gudoomiye Ku-Xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda Degmadda Maxaas Cabdi Rashiid Cismaan Carab.

Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa sidoo kale uu khasaare u geystay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Degmadda Maxaas.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda maxaas oo la hadlay Simba ayaa sheegay in qaraxa kaliyah uu ku geeriyooday Gudoomiye Ku-Xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda Degmadda.

Shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu khaarijiyo Mas’uuliyiinta Dowladda iyo kuwa maamuladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.