Al-shabaab oo Sheegay In ay Dileen 15 Askari oo Ka Tirsanaa Kenya

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in Kolonyo ka tirsan Ciidamadda Kenya lagu qarxiyay deegaanka lagu magacaabo Madharaan oo u dhaxeeya jaziiradaha Raas-kaanbooni iyo Buur Gaabo.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay deegaanka,waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in rasaas fara badan la maqlay qaraxa kadib.

Qaraxa ayaa haleelay gaari xamuul ah oo ay la socdeen ciidamo badan oo katirsan Melleteriga Kenya waxaana la sheegay in khasaare uu soo gaaray.

Al-shabaab oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in lagu dilay 15 askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Kenya.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Taliska ciidamada Kenya oo ku aaddan qaraxaan khasaaraha badan dhaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.