Al-shabaab Oo Guulo ka sheegatay Weerarkii Xoogana ee ka dhacay Awdheegle

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya weerar ku bilawday  Qarax Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War ka soo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha Afka shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ku bilaawday Qarax Ismidaamin ah lagu qaaday fariisin ay ciidamada Dowlada ku leeyihiin degmada Awdheegle, sidookale warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu shaaciyay in laba Qarax oo Ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhiga ciidamada Dowlada.

Al-shabaab warka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in  kabadan 50 Askari oo ka tirsan cidamada Dowlada in lagu dily weerarkan sidookale Al-shabaab ayaa sheegay in 8 Gadiidka dagaaalka ah ay gubeen, waa sida ay hadalka udhigeene.

Illaa iyo hada majirto cid si rasmi ah uxaqiijin karta qasraaaha  rasmiga ah ee ka dhashay Werarkan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka dhaca degmada Adhweegle oo todobaadyo ka hor ay la wareegeen cidamo ka tirsan kuwa xoga Dalka  gaar ahaa kuwa DANAB.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.