Al-Shabaab oo Go’doomiyay Magaalo Laga Saaray Xasaska iyo Caruurtooda

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay go’doomiyeen Degmada Baled Xaawo ee Gobolkaas, kadib markii laga saaray Xaasaska iyo Caruurtooda.

Haweenay ku sugan Magaalada Baled Xaawo, ayaa sheegtay in Magaalada culeys laga daremaayo Magaaladda, kadib markii xaasaska Shabaab laga saaray Magaalada, iyadoo maamulka uu fulinaayo amarkii uu soo saaray.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay go’doomiyeen Baled Xaawo oo gaadiidka xamuulka ee Magaaladaasi galaya iyo kuwa ka soo baxaya labadaba amaro kala duwan ay dul dhigeen.

Arintaan ayaa walaac badan waxa ay ku abuurtay shacabka ku nool Magaaladda Baladxaawo ee Gobolka Gedo, oo haatan dhexda kaga jira amaradda Xarakada Al-shabaab iyo Maamulka Degmadda Baladxaawo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*