Al-Shabaab Oo Gaadiid Dagaal Laga Qabsadey Iyo Dhimashada Oo Korortay+Dhageyso

Jabhada dadka Deegaanka ee loo yaqaano macawisley ayaa Weerar ku qaadey Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Alshabaab halkaas oo uu ka dhacay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababey.

Kooxda dadka deegaanka ayaa guul ka sheegatay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen waxa ayna tilmaameen in weerarkaan ay ku qabsadeen 2-gaari oo nuuca dagaalka ah, sidoo kalena tiro askar ah ay uga  dileen Al-shabaab.

Maxamed Cali Istakiin oo ah Horjoogaha Jabhada Dadka Deegaanka qeybteeda Gobalka Hiiraan oo la hadley Idaacadda Simba ayaa Sheegay in gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo kala ah,gaari weyn oo uu saaran yahay Qoriga Suuga loo yaqaan iyo gaari Cabdi-bile ah oo uusaaran yahay Qoriga dhashiikaha loo yaqaan,halka ay dileen 7-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan.

Dagaalkaan ayaa ka dhacey Duleedka Deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan Gobalka Hiiraan waxaa uuna ku bilowdey weerar dhabo gal ah oo ay Fulisay Kooxda macawisleyda oo Itoobiya ay taageerto.

                               Halkaan ka Dhageyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.