Al-shabaab oo Ciidamadii Uga Tirada Badnaa Kusoo Daabulaya Shabeelaha Hoose

Al-shabaab ayaa la sheegay in ciidamadii uga tirada badnaa ay ku soo daabulayaan Gobolka Shabeelaha hoose si gaar ah meelaha ay ku sii jeedaan ciidamada huwanta ah ee uu hogaminayo Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage kuwaasi oo Al-shabaab 2-dii bilood ee lasoo dhaafay ka saaray Deegaanada’ Bariire,Sabiid,Caanoole iyo Degmada Awdhiigle.

Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyey in Al-shabaab ciidamadii uga tirade badnaa ka soo qaadeen Gobolada Galgaduud,Hiiraan iyo Bakool.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda xoogga dalka oo ku sugan Gobolka Bakool ayaa inoo sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Gobolkaasi ka soo gudbeen ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Al-shabaa iyagoo ka imaanayey dhanka Gobolka hiiraan.

Sarakiishaan ka tirsan xooga dalka soomaliyeed ayaa inoo xaqiijiyey in shabaab ay doonayan joojinta ciidamada ku sii fidaya Gobolka Shabeelaha Hoose si aysan u gaarin deeganka Toora-Toorow oo ah deegan muhiim u ah Al-shabaab halkaasi oo ay ku taalo Maxkamada uga wayn shabaab ay ku leeyihiin Gobolka.

Masuuliyiinta Gobolka sh.hoose ayaa wacad ku maray in Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda soomaaliya aysan wada joogi  doonin shabeelada hoose islamarkaana ay la wareegi doonaan Guud ahaan Gobolka.

Dowladda Uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) ayaa horay u balan qaaday in mudo kooban ka soo Af-jari doonto dagaalka Al-shabaab balse taasi ma aysan dhicin.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarda ay ka geysan jireen muqdisho mudadii uu farmaajo joogay waxa ay dileen odayaashii uga badnaa iyo masuuliyiin dowladeed.

Weeraradii uga saameynta badnaa ee shabaab ay ka geysteen Muqdisho waxaa ka mid ahaa Qaraxii weenaa ee ka dhacay isgooyska zobe halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof.

Sidoo kale shabaab waxaa ay Qarax ku dileen Godoomiyihii Gobolka banaadir ahaana Duqii Muqdisho Allah u naxriistee ENG Yiriisow iyo masuuliyiin kale.

Aweys Bashiir C/raxmaan (Aweys Timo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.