Al-shabaab Oo Caawa La Wareegay Qeybo Ka Mid Degmada Balcad

Ciidanka ka tirsan Al-shabaab ayaa Caawa gudaha ugalay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhee ka dib weerar ay Degmada uga soo qaadeen dhowr jiho.

dadka Magaalada ayaa caawa hurdada uga soo toosay dhawaaqa rasaasta culus oo ka socto gudaha degmada Balcad islamarkaan is weydaarsanayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Balcad ayaa Xaqiijiyey Weerarkaan caawa waxaana ay sheegeen inay wali Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dadaal ugu jiraan inay Magaalada ka saaraan Al-shabaab ka dhex-dagaalamaya.

Isgaarsiinta Magaaladda ayaa la jaray daqiiqado ka hor taas oo sii cakirtay Xaalada Magaalada,waxaan la maqlayaa oo kaliya Rasaas qoryaha culus iyo kuwa fudud ka socota qeybaha kala duwan Xaafadaha Degmada Balcad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.