Al-shabaab oo 5-nin Ku Toogtay Deegaanka Yaaq Baraawe+Magacyo

Al-shabaab ayaa Xukun Dil ahaa ku Fuliyay 5 Nin ay ku eedeyeen in ay la shaqeyn jireen  Dowladaha Shisheeye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukunka ayaa  shalay galab ka dhacay fagaare ku yaala deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Al-Shabaab iyo shacabka deegaanka.

Magacyada shanta Nin ee Jaajuusnimada lagu eedeeyay ayaa kala ah Aadan Muuday Maxamad, Ayuub Xasan Maxamed, Maxamed Isxaaq Xasan, Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Shabaab ayaa sidaan oo kale Xukuno ugu fuliyay dad ay ku eedeyeen In ay la shaqeyn jireen Dowladaha Shisheeye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.