Al-Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Garbahaarey

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidamo isa soo abaabulay oo ka tirsan Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Garbahaarey waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo saacado socday.

Dagaalka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac,waxaana saraakiisha Dowladda Soomaaliyaay sheegeen in 3-qof oo dhinacyada dagaalamay ay goobta ku dhinteen.

Dhanka kale Ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee saldhiga ku leh Degmadda Garbahaarey, ayaa madaafiic ku garaacay shabaabkii weerarka soo qaaday xili ay magaaladda ka baxayeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.