Al-shabaab iyo Ciidamadda AMISOM oo Ku Dagaalamay Demadda Qoryooley

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM.

dagaalkaan ayaa xalay ka  dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday Saldhigga Ciidamadda Uganda ee ku yaala agagaarka Buundada Qoryooleey.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalkaan ayaa socday muddo saacado ah.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga  khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Degmadda Qoryooley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.