Al-shabaab:-“Dowladda Sawirro ay Naga Xaday Ayay u Adeegsatay Howlgal Ka Dhacay Sh/Hoose”,!

Xarakadda Al-shabaab ayaa ka hadashay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya oo ku aadan in howlgal qorshaysan oo ka dhacay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu burburiyay Saldhig Al-shaabab ay lahaayeen.

Warka kasoo baxay Al-sahabab ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaliya ay adeegsatay Sawirro ay faafisay Al-Shabaab 7-dii August,2017 kuwaas oo dhamaantood laga heli karo warbaahinada Al-shaabab,waxaana sawiradda ayaa lasoo bandhigay kadib markii Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay isaga baxeyn Saldhiga Degmadda Leego.

War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka ayay ku sheegtay in ciidamada Kummaandooska ee loo yaqaan Danab ay Burburiyeen saldhig melleteri oo Al-shabaab  ay ku laheyd deegaanka Leego ee Shabeelaha Hoose.

Wasaaradda ayaa sidoo kale warbaahinada dowladda iyo kuwa maxaliga waxay la wadaagtay sawiradda oo ay ku sheegtay in ay ka soo qaadeen saldhigga la weeraray  ee Leego ee Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*