Al-shabaab:-“10-Mas’uul oo Ka Tirsanaa Dowladda ayaa Ku Dilnay Qaraxyadii Muqdisho”,!!

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Liiska Saraakiil ay sheegeen in ay ku dileen qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 45-qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib 3-qarax oo ka dhacay Magaaladda.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay weerarkii lala beegsaday madaxtooyada Somaliya.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Liiska Al-shabaab ay soo bandhigeen.

1-Axmad Xuseen waa Xildhibaan Hore waxaa lagu dilay weerarka.

2-Abshir, Waa Korneel ka tirsan ciidamada Koofi-Gaduudda

3- Mahad Salaad Laba Xidigle melleteriga katirsan

4-C/Risaaq Cali Maxamed, Madaxa waaxda sharci dajinta ee wasaarada Cadaalada

5-Xuseen Cali, Laba Xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

6-Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

7-Shariif waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

8- Saddex ka tirsan ciidamada Alpha Group waa dhimasho.

9- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Jiijeey waxaa lagu dilay weerarkii xalay

10- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Maslax wuxuu katirsanaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo waxaa lagu dilay weerarka.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay jiraan saraakiil badan oo ku dhintay hoteelka Doorbin kaasi oo ku dhow xarunta nabad sugidda isalmarkaana ah goob ay si KMG ah ugu shaqeeyaan saraakiisha howlgelinta sirdoonka dowladda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*