Al-shabaab oo Shaaciyay in Labo Sabab ay u Weerareen Wasaaradda Shaqadda

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay in labo ujeedo ay u weerartay Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taala Degmadda Shangaani ee Gobolka Banadir.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in sababta ay u beegsadeen Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay aheyd in lagu qorayay ciidamo la dagaalama al-Shabaab,sidoo kalana beegsada culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xarunta ay aheyd mid lagu diiwaan galiyo dad dib u dhis ku sameeya xarunta tiyaatarka qaranka, ayada oo loo marayo barnaamijka is-xilqaan.

Weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,waxaa ku dhintay 15-ruux,halka ay ku dhaawacmeen 20-kale sida laamaha caafimaadka ay sheegeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.