Al-shaabab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Muqdisho!

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Coca-cola Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa kusoo qaaday fariisimo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Coca-cola,waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka fudud,waxayna ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen kooxihii weerarka kusoo qaaday ee Shabaab ka tirsan.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Xafadda Coca-cola Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir, oo dhowr jeer weerar ay kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*