Akhriso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Guddi u Saaraysa Xiisadda Ka Taagan Hiiraan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saaraysa dagaalkii shalay ka dhacay Duleedka Magaaladda Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse,ahna xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi baaris loo saarayo dagaalkaas.

Waxa uu sheegay in ka wasaaradd ahaan ay aad kaga xun yihiin dagaalkii ka dhacay Duleedka Beledweyne ee u dhaxeeyay Ciidamo daacad u ah Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo ciidamadda Gudoomiyaha Cusub.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa Ciidmadda Dowladda kaga digay in ay ku lug yeeshaan xasaradaha ka jira Magaaladda Beledweyne.

Dagaal khasaare geystay ayaa shalay ka dhacay Duleedka Magaaladda Beledweyne,waxaana dagaalka ku dhintay Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan, halka uu ku dhaawacmay ku-xigeenkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.