Akhriso:-Xubno Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo Gudaha u Galay Kenya

Saraakiisha ciidamadda amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay usoo talaabeen dalkaasi xubno katirsan Al-shabaab oo haatan ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalkaasi.

Hadalkaan kasoo baxay Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa lagu sheegay in xubnahaasi ay ka kooban yihiin afar qofood oo dhamaantood ah haween oo uqaabilsanaa qorista dadka iyo arimaha basaasnimada iyagoona la sheegay in haatan ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka Malindi ee dalka Kenya.

Bernard Leparmarai isku xiraha gobolka xeebta ayaa sheegay in baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka dalkaasi islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan haweenkaasi lasheegay in ay xubin kayihiin Alshabaab.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa carabaabay in sanad kahor ay usoo talaabeen soomaaliya kuwaa oo loo balan qaaday shaqo dhanka nadaafada ah ee dalalka yemen iyo Sacuudi carabia  kuwaa oo haatan isku qarinaya deegaankaasi.

Isku xiraha gobolka xeebta dalkaasi ayaa sidoo kale fariin udiray haweenkaasi katirsan Alshabaab in aanu la dili doonin islamarkaana ay isku soo dhiibaan ciidamada amaanka dalkaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*