Saraakiisha Alqaacidda ee Soomaaliya (Al shabaab)

Akhriso Xogta: Magaca Iyo Qabiilka Nin Kamid Ahaa Ragii Fuliyay Weerarkii Hotel Saxafi

Idaacadda ku hadasha afka Xarakada Al shabaab ee Andalus ayaa baahisay Wareysi ay la leeyatay mid ka mid ah Raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Al shabaab ayaa ku sheegay magaca ninkaasi in lagu magacaabi jiray Axmed Aadam Mursal oo kamid ah ahaa ragii weerarka Ingimaasiga ah ku qaaday hotel Saxafi, wuxuu kasoo jeedaa beesha Hadamo gaar ahaan jufada Liksi ee degta Bakool, wuxuuna ku dhashay degmada Rabdhuure ee isla gobolkaasi.

Warbaahinta Al shabaab ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay dagaalame Ahmed ka hor inta uusan fulinin weerarkaasi ayaa dardaran u jeediyay Xoogaga kale ee Al shabaab iyo dadka Soomaalida.

Wareysiga uu bixiyay dagaalamhaasi katirsanaa Mintidiinta Al shabaab ayaa Dhanka kale Fariin Hanjabaad ah u diray Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, ka hor inta uusan fulinin weerarka.

Weerar ku bilowday saddex Qarax oo loo adeegsaday gadiidka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray Hotel Saxafi, waxaana halkaasi ku Nafwaayay 52 ruux oo shacab iyo xubno katirsan dowladda iskugu jiray, waxaana ku dhaawacmay ilaa 106 ruux.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*