Akhriso:-UNSOM oo u Hambalyeysay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Dani

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramadda midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa Hambalyo loogu diray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani.

Ku-simaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga oo qoraalka ku saxiixnaa ayaa sidoo kale Hambalyo looga diray  guddiga doorashada Puntland, sida ay u diyaariyeen doorashada ku dhacday sida nabadda ah.

“Waxaan rajeyneynaa in aan si dhow u wada shaqeyno Madaxweyne Deni,sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo isla markaana suurtogeliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.” .”ayuu yiri Mr Zenenga.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.