Akhriso:-Sababta Muqdisho Dilalka Ugu Soo Bateyn oo La Shaaciyay

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya Xasan Cali Nuur Shute, oo la hadlayay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda oo ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay dilalka kusoo batay magaaladda Muqdisho.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in sababta dilalka ugu soo bateyn Magaaladda ay tahay ciidamada oo lagu dhex haayo gudaha magaaladda.

“Gabar fasalkeeda dhiganeysa oo jaamacad Ku jirto, weliba diinta Islaamka baraneysa in la kor tagaa oo la dilaa fadhigeenna keenay, Ciidan gaadiid wata oo Magaalada dhex jooga rasaas inay ku furaan baabuurka ka horeeya iyo midka ka dambeeya ciidanka Magaalada lagu dhex haayo ayaa sabab u ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay In askari kasta oo shacabka dhibateeya uu sharciga qaban doono,islamarkaana Maxkamadda Ciidamada sida ay tahay halka lagula xisaabtamayo Ciidamadda.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya Xasan Cali Nuur Shute, ayaa kusoo aadaya xili magaaladda Muqdisho ay martigalisay maalmihii dambe dilal loo geystay Shaqsiyaad dowladda ka tirsan iyo dad shacab ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*