Akhriso:-Qodobada Loogu Hadli Doono Shirka Golaha Iskaashiga Magaaladda Garoowe

Magaaladda Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmaya Shirkii Afaraad ee Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira.

Shirkaan ayaa socon doona Muddo seddex Maalin ah, afarta Madaxweyne ee kala ah Puntland oo marti loo yahay, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Iyo Jubb-land ayaa ka qeyb galaya.

Balse waxaa shirka laga saaray Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan la heshiiyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Afarta Madaxweyne oo xalay shir horudhac ahaa ku yeeshay magaaladda garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Magaaladda Cadaado ee Madaxweyne loogu doortay Axmed Baasto.

Shirkaan ayaa socon doono muddo 3-maalin ah waxaana loogu hadli doonaa Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*