Akhriso:-Qaramada Midoobay oo Canshuur Siisa Xarakada Al-Shabaab

Baaritaan uu sameeyay Tv-ga CNN ee laga leeyahay gudaha dalkaasi mareykanka ayaa waxaa lagu soo ogaaday, in inta badan lacagaha Qaramada midoobe ay siiso dadka ku barakacay gudaha dalka Somalia gaar ahaan deegaanada “Koonfur Galbeed” ay gacanta u gasho inteeda badan Xxarakada Al-Shabaab ee dagaalanta qaybo farabadan, oo katirsan Somalia.

Xubno horay uga tirsanaan Jiray Al-Shabaab iyo qaar ka tirsan sirdoonka laamaha amniga Somaliya uu Tv’gu wareysiyo kala duwan la yeeshay, ayuu ku soo ogaaday in Xarakada Al-shabaab ay gacanta u soo gasho $5’000 maalintii, kuwaas oo inta badan uga soo xaroota jidgooyooyin, iyo canshuuro ay ka qaadaan dadka ku barakacay gudaha deeganadaasi.

Dadka iska barakacay guryahooda ee sida qaxooti ahaanta ugu nool kaamam ku yaalo gudaha deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo ayaa qaramada midoobay waa ay u qoondeysay in ay siiso bil walba, lacago kaash ah oo gaarayo $80 illaa $90 taas oo ay ugu badaleen raashinka ay siin jireen.

Baydhabo oo ah halka baaritaankan laga sameeyay waxaa ku nool qaxooti gaarayo 270’00, kuwaas oo la sheegayo in ay Al-Shabaab ku canshuureen loor walba oo raahiin ah lacag gaarayso $3.

Arintan ayaa u muuqato in Qaramada midooby  qaab dahsoon ay canshuur ku siiso Xarakada Al-Shabaab, ayadoona arintan u muuqan karta mid saamayn ku yeelan karto dadka barakacaasyasha ee ku nool qaybo fara badan oo kamid ah gudaha dalka Somaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*