Akhriso:-Mareykanka oo Kordhiyay Waqtiga Duqeymaha Diyaaradiisa Ka Wadi Karaan Soomaliya  

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in la kordhiyay muddada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay weerarrada ka wadi karaan gudaha dalka Soomaaliya.

Bishii October aynu soo dhaafnay ayaa la saxiixay sharcigaan kaasi oo dhigaya in Ciidamada mareykanka ay fuliyaan weeraradda dhanka cirka ah ee lagu qaadayo saldhigyadda dagaalyahanadda Daacish iyo  Al-shabaab.

Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka mareykanka in hawlgalka lagu beegsanayo dagaalyahnaadda Xarakadda  Al-Shabaab iyo Ururka Daacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo socota.

Waxa uu sheegay in qorshahaan loogu goleeyahay sidii loo soo gaba-gabeyn lahaa awooda Xarakadda Al-Shabaab iyo Daacish,islamarkaana ujeedka uu yahay in labada sano ee lagu kordhiyay howlgalka lagu ciribtiro Al-shabaab.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan weeraro ka fuliya gudaha dalka Soomaliya,dhawaan waxaa la xaqiijiyay in Soomaliya ay ku sugan yihiin ciidamo Ameerikaan ah oo gaaraya 500-askari kuwaasi oo tababaro siiya Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*